Guddoomiyaha Olompikada Gobolka Banadir oo weerar Afka ah ku qaaday XSKC [Dhageyso]
Guddoomiyaha Olompikada Gobolka Banadir, horeyna u ahaa Guddoomiye kuxigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta, Axmed Nuur Xasan Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday in uu ka shaqeyn doono horu-marinta Isboortiga Gobolka Banadir, xilli uu mar kale weerar afka ah ku qaaday Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta.
Axmed Nuur oo horey isaga casilay Xilka Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ka dib markii uu sheegay in ay xiriirka Maamulaan shaqsiyaad gabay howlihii loo doortay, ayaa dhawaan guddiga Olompikada Soomaaliyeed waxa ay u magacaabeen in uu noqdo Guddoomiyaha Olompikada Gobolka Banadir.
Mas’uulkaan ka tirsan Guddiga Olompicada Soomaaliyeed ayaa weeraray Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta xilli muddooyinkii ugu danbeeyay ay soo ifbaxayeen warar la xariira in aysan isku fiicneen xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta iyo GOS.
Axmed Nuur ayaa dhinaca kale sheegay in uu la shaqeyn doono Xiriirada Soomaaliyeed ee hoos taga guddiga Olompikada Soomaaliyeed si loo hor mariyo Isboortiga Gobolka Banadir.
Wareysi uu siiyay Barnaamijka Todobaadka iyo Xulka Isboortiga ee Wehelmedia ayuu ku sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Xiriirka Soomaaliyeed kubada Cagta heysato ay tahay in inta badan Kooxaha Wax doorta ee leeyihiin Xubnaha ku jira Guddiga Fulinta Xiriirka, taasina ay sahleeso in shaqsiyaad gaar ah ay sidii ay doonaan ka yeeshaan Howlihii Xiriirka.
Wareysiga Axmed Nuur Halka Hoose ka dhageyso
![]()
Waxa uu ka dhawaajiyay in uu ka shaqeyn doono sidii loo soo nooleyn lahaa Magacyada Kooxihii kala gedisnaa ee lagu yaqaanay Gobolka Banadir, isla markaana uu qaban doono koobabka degmooyinka, dugsiyada, iyo kanlagu hor marinayo dhalinyarada Gobolka Banadir.
“Waxaan la shaqeenayaa xiriirada kala gedisan ee hoostaga GOS si loo hor mariyo Isboortiga, hadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ay nala shaqeeyaan waa sida la rabay hadii aysan nala shaqeyn waan wadeenaa sidii loo hor marin lahaa isboortiga Gobolka Banadir” Ayuu yiri Axmed Nuur.
Waxa uu ka gaabsaday ka hadlida bur-burka ka muuqda Garoomada kala gedisan ee ku yaal Gobolka Banadir, kuwaasi oo qaarkood lacagihii lagu dhisi lahaa lasoo qaatay isla markaana Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta aysan wali dib u dhis ku sameen garoonka Koonis Stadium oo la dhagax dhigay dhamaadka sanadka 2008.
Axmed Nuur Waxa uu sheegay in uu la shaqeyn doono Maamulka Gobolka Banadir ee Dowlada KMG, Wasaarada Waxbarashada iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga Dowlada KMG ee Soomaaliya oo uu ka dhawaajiyay in ay tahay Hey’adda ugu sareesa Isboortiga Soomaaliyeed.
Waxa uu ku baaqay in Gobolada kala gedisan ee dalka Soomaaliya ay ka shaqeeyaan horu-marinta Isboortiga Goboladooda, si loo helo buu yiri Ciyaartoy usoo baxda Qaranka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha kala gedisan si loo helo qaran tayo leh oo uu dalka yeesho.
Dhinaca kale waxa uu ku baaqay in laga tago warxuma tashiilka dhinaca Isboortiga lagu haayo, asigoona dhinaca qurba joogta ugu baaqay Cid waliba ciddii wax u qabaneesa Isboortiga in uu is xil qaamo isla markaana ka qeyb qaato bad baadinta Caruurta Soomaaliyeed, si loogu soo leexjiyo dhibaatooyinka jira isla markaan lagu baraarujiyo Isboortiga iyo Nabada.
Guddoomiyaha Olompikada Gobolka Banadir oo wareysi uu bixiyay Arrimo dhowr ah kaga hadlay, ayaa hadana waxaan xilligaan cadeyn sida ay iskula jaan qaadi doonaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, oo uu markii labaad weerar afka ah ku qaaday.
Salah Hassan Omer [Salah dheere]
Email: s.dheere@hotmail.com
