Horyaalka 26aad ee K/Koleyga oo lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho. [Sawirro]
MUQDISHO: Garoonka Kubadda Koleyga 1-da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah waxaa xirmay Horyaalkii 26aad Wiilasha Kubadda Koleyga Soomaaliyeed, waxaana tartankan agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga.
Furitaanka Tartankan oo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Ku-simaha Raisul-Wasaaraha ahna Wasiirka Wasaaradda Gashan-dhigga, Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, Guddoomiyaha GOS, Mareeyaha Dekedda Muqdisho, Xubnaha Guddiga Fulinta ee GOS iyo Madaxda Xiriirada kala Duwan.
Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin ku aadan habsami u sosocdkii Horyaalkan ka soo jeediyay Guddoomiyaha XSKK Md. Ibraahim Xuseen Cali (ROOMBO) oo tibaaxay inuu aad ugu faraxsan yahay tartankan oo si guul ay ku soo idlaaday.
“Xiriirka Soomaaliyeed K/Koleyga, Madaxda Kooxaha, Tababarayaasha , Ciyaartoyda , Taageerayaasha K/Koleyga iyo Ciidamada Booliska si wadajir ah ayay u muujiyeen in tartan xiiso yeesho guulna uu ku dhamaado, waxaana rajeynaynaa inaan tartamada halkiisa ka sii wadno iyadoo hadafkeenu yahay walba ishdhexgalka bulshada iyo horumarinta ciyaarta Kubadda Koleyga.” ayuu yiri Md. Roombo.
Sidoo kale, Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish), Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaaqalaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/samad Nuur Guuleed iyo Ku-simaha Raisul-Wasaaraha ahna Wasiirka Wasaaradda Gashan-dhigga Xuseen Carab Ciise waxay mas`uuliyiintan dhamaantood muujiyeen in Isboortigu yahay mid qeyb weyn ka qaata Nabadda, waxayna u Mahadceliyeen XSKK. Dhanka kalena waxay cabireen farxadooda ku aadan inay waqti badan ku qaateen daawashada ciyaar aad u xiiso badan.
Ciyaartii ugu dambeysay (Final) ayaa waxaa isaga hor yimid kooxaha sida weyn u xafiiltama ee Heegan iyo Dekedda, waxayna soo bandhigeen ciyaar si weyn u raaligelisay dadweynihii daawanayay. Iyadoo saddexdii horyaal ee ugu dambeeyay Heegan ay gacanta ku dhigtay ayaa markan waxay kooxda Dekedda noqotay mid guusha kala wareegtay Heegan, 80-72 ayay Horyaalka 26aad Kaalinta koowaad ku Hantiyeen. Halka Heegan iyo Plasma University ay xirteen kaalimaha Labaad iyo Saddexaad.
Ciyaarta ka dib ayaa XSKK wuxuu bixiyay abaalmarino kala duwan sida Koobab kaalimaha hore iyo Ciyaaryahanka gool dhalinta qaaday C/fitaax Bukaale (Kooxda Heegan), Ciyaaryahanka ugu Wanaagsan, Asluubta Wanaag [Suuleey] (Kooxda D/Hoose), Garsoorayaasha ugu wanaagsan intuu tartanka socday ayaa kala ahaa Abuukar Muudeey Maxamed iyo Maxamed Xasan Fiidoow.
Si kastaba, Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa kaalimaha hore kaga jira dhanka waxqabadka Xiriirada hoos yimaada GOS, waxaana muuqanaya sida ay ugu dhabar adeegeen qabashada tartankan xilli garoonka lagu ciyaarayay uu ahaa mid dayactir u baahan ka dib markii saameyn ay ku yeesheen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Muqdishu.
Isboorti.com Managing Editor
Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Cell Phone: +2526-99-982912
+2526-1-5520008
Email:buuna@isboorti.com
Website:www.isboorti.com
Facebook: Click here









