Fu’aad Shongole oo gaaleesiiyay dadka ka cararaya deegaanada ay Maamulaan [Dhageyso]
Daaciga Ururka Al-Shabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf [Shongole] ayaa khudbad dheer ku gaaleesiiyay dadka ka bara kacay deegaanada ay ka taliyaan xoogaga Al-Shabaab, asigoona dhinaca kale sheegay in dagaalka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo waxa uu ugu yeeray gaalada uu noqonaayo mid socda illaa Khiyaamaha.
“Hadii ay moodayeen in Mujaahidiinta laga daba imaanayo, maxee ugu haajiri waayeen dhulka ay Maamulaan Mujaahidiinta, hadii Madfac laga cabsanaayo maxaa loo aadi waayay marka, Maxaa loogu cararayaa meesha ay Maamulaan AMISOM iyo Gaalada, walaahi waa loo naxayaa ninkii meeshaasi ku dhinta” Ayuu yiri Sheekh Fu’aad Shongole.
“Waxa ay moodayaan in dagaalka ka dhaxeeya gaalada iyo mujaahidiinta uu dhamaanayo, mujaahidiinta laga daba yimid, walaahi baan ku dhaartee in aysan dhamaan, dagaalka wuu socon doonaa illaa Aakhirul Khiyaama” Ayuu yiri
Khudbada Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo ah mid aad u dheer ayuu waxa uu si weyn ugu hadlay “Hijrada” dadka ka bara kacaya deegaanada ay Maamulaan Al-Shabaab iyo dagaalka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo AMISOM.

