Khudbadihii laga jeediyay Shirkii Garoowe-2 ee Maanta ka furmay xarunta Jaamacada PSU.
Waxaa goor dhawayd oo galabta ah ka furmay xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe wajigii labaad ee shirka wadatashiga arrimaha Soomaalida ee Garoowe2, kaas oo wali socda ay khudbado ka jeedinayaan mas’uuliyiinta kale duwan ee kasoo qaybgalay.
Mas’uuiliyiinta ilaa iyo hadda hadlay waxaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliya Shariif Xasan, R/wasaare Gaas iyo Madaxweyne Faroole, kuwaas oo dhammaantood isku raacay ahmaiydda uu shirkana leeyahay iyo Ajandaha ugu weyn ee horyaalla uu yahay arrimaha federalka iyo dhamaystirka dastuurka.
Waxaa sidoo kale goobta shirka ku sugan xubno ka socda maamulka Gal-mudug, ururka Ahlu-sunna , Xafiiska arrimaha siyaasadda Somaliya ee UNPOS, dawladda Jabuuti, wufuud kale caalami ah iyo urada bulshada.
M/weyne Shariif iyo Wufuud kale ayaa la filayaa inay xiritaanka shirkan oo sedex cisho socondoona kasoo qaybgalayaan.
>> Khudbad: R/wasaare C/weli Maxamed Cali ‘Gaas’.
>> Khudbad: M/weyne C/raxmaan M. Faroole.
>> Khudbad: Afhayeen Shariif Xasan Sh. Adam.
>> Khudbad: Wasiir Xaamud C. Suldaan.
Source: Radio Daljir

