Maxaad ka taqaan taariikhda iyo ujeeddada xuska Maalinta Jaceylka Aduunka [14-febr]

Haddaba aan kuu bayaanshe Maalinta Jacaylka Adduunka, Maalintaan oo afka ingariisiga loo yaqaano Saint Valentine’s Day, Waa maalintii la dilay baadarigii weynaa ee la oran jiray Saint Valentineus.

Saint Valentineus ayaa waxaa lagu xurmeeyaa saddex qoofood oo loo dilay kirishtaannimo, lana daldalay inta u dhaxeysay sannadka 200 ilaa 300 taariikhda milaadiga ah (dhalashadii nabi Ciise ka dib, caleyhi salaam).

Mid ka mid ah saddexdaan qofood ee aan soo sheegay ayaa waxaa ugu caansan Valentinus, waa baadari ku noolaa Romadii antiik.

Baadarigaan ayaa la sheegay in qoorta laga jaray 14-kii Febraayo sannadkii 269 milaadiga, xilligaas uu boqor Claudius II ee ka talinayay Rom uu dabagal ku hayay dadkii Kirishtaanka ahaa ee ku noolaa dhulka uu ka talinayay.

Baadari Valentinus ayaa doorbiday in uu ku dhinto kirishtaannimo, isagoo diiday inuu ka tago diintiisa iyo wuxuu aaminsanaa.

Waxaa kaloo Valentinus lagu eedeeyay inuu isku mehriyay dad badan oo kirishtaan ahaa, iyadoo xilligaas ay mamnuuc ahayd.

Maalinkaan 14-ka Febraayo oo ah xuskii Valentinus ayaa la bilaabay sannadkii 498, iyadoo arintaas uu soo jeediyay Boobkii weynaa / Baadarigii Weynaa Gelasius I.

Maalintaan ayaa sida muuqato lagu xusaa howshii Baadari Valentinus iyo kuwa kale ay u qabteen bulshada haysata diinta kirishtaanka, Iyagoona loo aqoon sanyahay Baadariyaal u shahiiday badbaadinta dhaqan kirishtaanka, Haddii ay ahaan laheed mehrinta dadka kirishtaanka ah ama faafinta diinta uu haystay.

Walaalka muslimka ahow haddaba ka fiirso dhaqanada lagu marin habaabinaayo dadka muslimiinta ah, Dhalinyarow ka fiirsada, raadiyena taariikha dhaqamada aad u dabaal dageysaan.

Haddii aad xurmeyneysid qofka aad jeceshahay, waa ay bannaantahay inaad jacaylkaaga muujiso, laakiin ha ilaawin in sannadka uu ka kooban yahay 12 bilood.

Waxaad xusi kartaa maalintaad lamaanahaaga is mehersateen intaad xusi lahayd maalintii nin baadari ah kirishtaan nimo loo dilay.

Xus maalintii aad qofka isjeceshihiin is barateen ama is mehersateen, Xus jaceylkaaga maalmaha ciidda ama maalinkasta oo Jimco ah.