Wasiirada Jaamacada Carabta oo Maanta shir xasaasi ah ka yeelanaya Xaalada dalka Syria.

Wasiirada Jaamacadda carabta ayaa maanta oo axad ah ku kulmaya caasimada Masar ee Qaahira, si bal tallaabo kale ay ugu qaadan xaaladda Syria ka dib markii dhawaan golaha amaanka QM uu ku guuldareestay in wax laga qabto qalalaasaha ka socda dalka Syria.

Saraakiil ku sugan Qaahira ayaa sheegay in kulankan looga hadli doono siddii markake ergada jaamacada carabta loogu celin lahaa dalkaaas.

Dhinaca kale, askarta dowladda Syria ayaa sii wada gantaalaha ay ku garacaayan magaalada Ximis iyo magaalada Zabadani Sabtidii.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa dimiquraadiyada waxa ay lee yihiin uguu yaraan 35-qof ayaa ku dhintay guud ahaan dalka Syria shaley oo kaliye oo ay ku jirto caasimada Damascus.

Dadka dhintay shaley waxa ka mid ah General Dr Isa al-Kholi , oo ahaa madaxiii isbitaalka Syrian, kaa oo ay toogteen kooxo hubeesan dowladdase waxa ay ku tilmaamtay in ay kooxo argagixiso ah isagoo ka sii baxaaayay gurigiisa oo ku yaala waqooyiga sida ay ku warantay wakaalada wararka rasmiska dalka Syria.