Tartankii Ciyaaraha Gobolada Puntland oo Maanta lagu soo gabagabeeyay Garoowe [Sawiro]

Waxaa galabta si rasmi ah u soo gabagaboobay tartankii ciyaaraha gobollada Puntland oo ay ku gardameen siddeedda gobolka ee uu ka kooban yahay maamulka Puntland, iyadoo guusha kama dambaysta ahna uu hantahay gobolka Nugaal.

Ciyaarta galabta ee gobolka Nugaal ku guddoomay koobkii 6-aad ee gobollada Puntland, ayaa waxaa uu ka qaaday gobolka Karkaar oo ay iskugu soo hareen ciyaarta fiinaalaha ahayd, waxaana ciyaartaasi galabtay oo ahayd mid aad u xiiso badan guusha lagu kala hantay rigoorayaal loo dhigay labadaasi gobol kaddib markii ay barbar-dhac ku dhammaaday 90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu talo galay.

Markii ay idlaadeen daqiiqadihii ciyaartaasi loogu talo galay, ayaa guddiga kubadda islaamiyey min 5 rigoore oo labada xul laadanayaan, taasoo iyana bareejo ku dhammaaday, waxaana sidoo kale lo dhigay min hal gool, kaasoo ay ka faa’idaysan waayeen xulka gobolka Karkaar halkaasina ay guushu ku raacday gobolka Nugaal.