Sacadi Al-Qadaafi oo sheegay in uu hogaamin doono Kacdoon ka dhan ah Dowlada Liibiya.

Mid ka mid ah Wiilasha uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Liibiya Col. Qadaafi ayaa markii ugu horeesay ka dhawaajiyay in uu hogaamin doono Kacdoon ka dhan ah Dowlada KMG ee dhawaan loogu dhawaaqay dalkaasi Liibiya.

Sacadi Al-Qadaafi oo xilligaan ku sugan dalka Niger, ayaa sheegay in uu damacsan yahay dib ugu laabashada dalka Liibiya, isla markaana uu hogaamiyo kacdoon lagu diidayo Dowlada KMG ee ka dhisan dalka Liibiya.

Waxa uu sheegay in dalka Liibiya uu ka jiro Jahwareer siyaasadeed taasi oo ay hormuud u yihiin buu yiri Hogaamiyeyaal aan qaab siyaasadeed ku Maamuleen dalka Liibiya, kuwaasi oo isugu soo aruuray Dowlada KMG ee ka dhisan dalka Liibiya.

Sacadi waxa uu sheegay in loo baahan yahay si shacabka reer Liibiya loogu bixiyo Jahwareerka Taagan, isla markaana la sameeyo Kacdoon ka dhan ah Dowlada KMG.

Sacadi Al-Qadaafi ayaa warkaan baahiyay xilli uu wareysi siinaayay Telefishinka Al-Carabiya, Asigoo ku sugan dalka Niger.

Col. Qadaafi ayaa dalka Liibiya Hogaaminayay in ka badan 40-sano, tiiyo markii danbe dhalisay kacdoon shacab oo aaqirkii lagu qaarjiyay Col.ka, isla markaana familkiisa ay isaga firxadeen dalka Liibiya.

Sacadi Al-Qadaafi ayaa ka mid ah Qoyska Al-Qadaafi kuwooda u baxsaday dalka Liibiya, halka Seyf Al-Islaam Al-Qadaafi uu gacanta ugu jiro Maamulka Dowlada KMG ee ka dhisan dalka Liibiya.