Ogeysiis Muhiim ah oo ku socota soomaalida ku dhaqan dalka Holland & Europe.
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Wadamada Europe gaar ahaan dalalka Holland, Germany, Belgium, Switzerland, iyo dalalka Scandinavian-ka in dhowaan la qaban doono shir looga hadlayo Arimo dhoor ah oo ay ka mid tahay warbixin sanadadeed ay soo saarto Dowlada dalka Holland , laguna soo bandhigay qodobo muhiimad gaar ah u leh Soomaalida, waxaana waxyaabaha lagu soo qaaday warbixintan ay si toos ah u saameynayaan mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya wadankan, waxaana laga doonayaa cid kasta oo waxgarad Soomaaliyeed ah in ay shirkaasi ka soo qeybgasho, si looga hadlo aayaha & mustaqbalka Soomaalida ku dhaqan Nederland.
Qeybta 2-aad. ee shirka looga doodi doono ayaa ah (KHAT-ka ama Qat) maandooriyaha Soomaalidu sida aad ah wakhtigooda iyo Noloshoodaba ugu lumiyaan oo dalkaan Hollnad-na si sharci ah uga soo degi jiray ka dibna dalalka kale EU-da wada tirsan halkaan looga sii gudbin jiray oo hada laga mumnuuci doono laga bilaawo dhamaadka Bisha Juun ee sannadkaan ayku kujirno.
Kulankani waa mid albaabadiisu u furan yihiin dhammaan mujtamaca Soomaalida ah ee degan wadamadaan aan kor ku soo sheegney.
Faahfaahin adresska iyo saacadda shirku qabsoomayo
Goobta: Mansveltschool
Karel Doormanstraat 125
1055 VE Amsterdam
Saacdda: 11:00-17:00
Maalinta: Axadda 12.02.2012
Wixii kale oo warbixinta shirka ku saabsan waxaad kala soo xiriiri kartaa
E-mail : ganey01@hotmail.com /idriss@sarapo.org
Mobile No:+31-684624954
Telka: +31-20771 6211 (Qabanqaabiyaha shirka Max’ed Xassan Idiris)
