Gobolka Karkaar oo final timid iyo Ciyaarta ugu danbeesa Tartanka Ciyaaraha Gobolada Puntland oo bari la ciyaarayo.

Garoonka kubada Cagta Mire Awaare Stadium ee Magaalada Garoowe waxaa galabnimadii shalay aheyd ka dhacday ciyaar aad u xiiso badan oo ay isaga hor imaadeen Xulalka Gobolada Mudug iyo Karkaar oo iyagu u tartamaayay usoo gudbida Ciyaarta Fimalka ee Tartanka 6-aad Ciyaaraha gobolada Puntland.

Xulka kubada cagta Gobolka Mudug ayaa ka haray tartanka ciyaraha kubada cagta Gobolada hoostaga Maamulka Puntland ka dib markii 2 – 1 ay guusha ku raacday xulka matalayay Gobolka Karkaar.

Ciyaartii shalay ayaa aheyd mid aad u xiiso badan oo soo jiidatay dhamaan daawadayaashii ka soo qeyb galay kulan ciyaareedkaasi.

Maalin-nimada barito oo Axad ah ayaa la filayaa in la ciyaaro lugtii ugu danbeesay ee Tartanka 6-aad Ciyaaraha gobolada Puntland, [Final Game] kaasi oo ay isaga hor imaan doonaan Kooxaha Gobolka Nugaal Vs Karkaar.

Xulka Gobolka Nugaal waa fursadii ugu qaalisanayd oo soo marta maadamaa ay tartanka marti galinayaan, ayna wataan xidigo da’a yar aad u firfircoon kuwaasi oo wacdaro ka dhigi kara Ciyaarta Finalka ee maalinta bari lagu balansan-yahay.

Dhanka kale Xulalka Mudug iyo Sanaag ayaa lagu wadaa in ay ku tartamaan Kaalinta 3-aad kulankaasi oo aanan aheyn mid sidaa usii weyn balse labada xul ay u tartami doonaan hanashada koobka lagu bixinaayo kaalinta 3-aad.

Tartanka Ciyaaraha Gobolada Puntland ee Maalinta bari soo gaba gaboobaya ayaa furmay todobaad ka hor iyadoona ay tartankaan kasoo qeyb qaateen 8-kooxood oo ka kala socday Gobolada Hoos Yimaada Maamulka Puntland.