Dowlada Mareykanka oo walaac ka muujisay ku biiritaanka Al-Shabaab ee Ururka Al-Qaacida.
Dowladda Maraykanka ayaa walaac ka muujisey isbahaysiga kooxaha argagixisada ee Al-shabaab iyo Al-Qacida oo shalay ku dhawaaqey midowgooda.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka Victoria Noland ayaa tiri ‘’ Hadii ay dhacdo arintaasi ,waxa sii kordhaya walaaca Washington ka qabto Al-shabaab iyo khataraha ay ku hayso Somalia iyo guud ahaan dalalka dunida’’.
Hogaamiyaha Al-Qacida ayaa cajal laga duubey oo shalay la soo geliyey qaar ka mid ah baraha Internetka ku sheegay in falaagada Soomaaliyeed ee Al-shabaab ku biireen urur waynaha dunida oo dhan looga aqoonsanyahay Argagixisada ee Al-Qacida.
Kooxda Al-shabaab ayaa gabalkeedu sii dhacayaa koonfurta Somalia ka dib markii lagu furey dagaal jabhado badan ,waxana dad badani aaminsanyihiin ku biiritaanka Al-Qacida mid lagu baadigoobayo taageero iyo dagaalyahano hor leh oo ka dhinac dagaalama kooxda.
