Nugaal oo finalka Ciyaaraha Gobolada Puntland usoo gudubtay & Sanaag oo la sahootiyay.
Waxaa Maanta Garoonka Kubadda Cagta Magaalada Garowe ee [Mire Awaare Stadium] ka dhacay ciyaar aad u xiiso badan oo ka mid aheyn kulamada Semi-finalka Ciyaaraha Gobolada Maamulka Puntland, kaasi oo ay isaga hor imaadeen Xulalka Gobolada Nugaal Vs Sanaag.
Ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa labada koox waxa ay u muuqdeen kuwo si aad ah ugu soo tabaabushtay kulan ciyaareedkooda, isla markaana koox waliba ay soo bandhigtay awoodeeda ciyaareed, taasi oo 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ka dhigtay mid ay labada kooxood isla dhaafi waayeen 1-1.
Xulalka Nugaal iyo Sanaag oo maanta aheyd in midkood uu soo baxo, midka kalena la macsalaameeyo, ayaa dhamaadka ciyaartaasi ka dib waxaa loo dhigay Gool-ku-laad ama [Rigoore] si ay labada kooxod ugu kala baxaan, waxaana sidaasi ay guusha ku raacday Xulka Kubada Cagta Gobolka Nugaal oo xaqiijiyay in uu usoo gudubtay Finalka Ciyaaraha Gobolada Puntland.
Maalinta jimcaha ee barito ah ayaa la sugayaa kulan aad u adag oo dhex mari doona Xulalka Karkaar iyo Mudug oo dhankooda isku haysta cida usoo gudbi doonta Finalka, isla markaana la ciyaari doonta Xulka Nugaal oo iyagu fadhiya Finalka Koobka Ciyaaraha Gobolada Puntland.
Garoonka waxaa maanta soo buux dhaafiyay Taagerayaal aad u fara badan oo ka tirsan Bahda xiiseesa kubada cagta, iyadoona sidoo kale ay garoonka ku sugnaayeen madax ka tirsan maamulka Isboortiga Puntland iyo mas,uuliyiin ka socotay Dowlada Hoose ee Maamulka Puntland.

