Shirka Hormarinta Cayaararaha Caruurta Soomaaliyeed oo dhex maray Madaxda WPSC iyo Manchester City Football Club Academy. Sawiro.

Waxaa Garoonka Manchesterter Football Club Academy kulan sports oo dhexmaray walaalaha horumarinta sportiska-dhalinyarada ee magaalda manchester ee looyaqaano WPSC iyo masuuliyiinta kooxda Manchester city football club academy.

Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid ay masuuliyiintani ka wada hadlayeen horumarinkaro caruurta soomaaliyeed iyo habka sanadkan loo abaabulidoono cayaaraha caruurta soomaaliyeed ee loo yaqaano European junior champion’s cup.

Run ahaantii shirkan ayaa ahaa mid muhiim u ah ubadka soomaaaliyeed ee ku hanka weyn in ay mustaqbal ku yeeshaan kubada cagta sababtoo ah waxa ay kooxda soomaalida ee WPSC iyo kooxda MCFC aykala saxeexdeen in shanta sano ee soosocdo cayaarahan lagu qabto garoonka Manchester city si loo helo ubad fara badan oo soomaaliyeed oo dunida daa faheeda ka ciyaarda.

Hadaba gabagabadii shirkan ayaa waxaa goobta ka hadlay ciyaaryahan kii hore ee kooxda Arsenal & qaranka fransiiska Patrick viera oo hada ah safiirka kooxda Manchester city waxa uu sheegayna in uu aad ula dhacay fikirkan isla markaasna waxa uu yiri hadii kooga lasaaro oo sida aytahay looga mudho dhaliyo dalka soomaalia waxa uu noqon doonaaa mid mustaqbal fiican ku yeesha cayaaraha Africa iyo kooxdan MFCF waxaa kaloo goobta ka hadlay la FIFA Referee Abdiqaadir Ibraahim Cadaay oo hada ah qaabilsanaha xiriirka Manchester City iyo soomaalida wuxuuna sheegay in uu ku rajo weyn yahay in tartankan dhalinyaro badan oo soomaaliyeed laga qaadan doono jahliyadaha soomaalida ee kasoo qayb galidoona tartankan.

Ugu danbaytii ayaa waxaa lagu wareejiyey buugii lagu kala saxeexday hashiiska soomaalida iyo Naadiga MCFC gudoomiyaha horumarinta dhalinyarada soomaaliyeed ee magaalada manchester Fuad Ahmed Ali oo looyaqaano Sir Fuad Osman waxa uu ku dhawaaqay in sanadkan cayaaraha horumarinta caruurta ay dhacayaan bisha 04/07/2012 waxa uu intaa raaciyey cidii xiisaynaysa in ay kasoo qayb galaan Cayaarahan lagu horumarinayo caruurta soomaaliyeed in ay loo xiriiri karaan xafiiska walaalaha horumarinta sportiska soomaaliyeed ee magaalada Manchester 0161 4781323 ama gudida kala ah Macalin Faarax 07908629127, Maxamed Xabiib 07506678674, Maxamuud Ingiriis 07956435604, Xasan Jabuuti 07809393659.