Madaxweynaha dalka Iran oo loogu yeeray Baarlamaanka dalkaasi.

Baarlamaanka Iran ayaa u yeeray Madaxweyne Maxmuud Axmadi Nejad, si ay su’aalo u weydiiyaan tan iyo 1979-kii markaas oo la sameeyay kacaanka ismaaliga.

Madaxweynaha ayaa dhageesanaaya su’aalaha xubnaha baarlamaanka dalka Iran ay weydiinaayaan kuwaas oo u badan dhaqaalaha, siyaasada dibadda iyo gudaha.

79-xubnood oo ka mid ah 290-xildhibaanada baarlamaanka dalka Iran ayaa u codeeyay kulanka Baarlamaanka Iran ay qaaten Talaadadii shaley.

Axmedi Nejad ayaa Baarlamaanka kasoo muuqday bishii March 2009-kii markaas oo lagu murmay doorashadii ugu horreysay ee lagu murmay.

Afhayeenka baarlamaanka Iran Moxammad Reza Bahonar ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka jawaabi doono su’aalo furan oo ay weydiin doonaan xubnaha Baarlamaanka.

Laakin wakaalada wararka Iran Fars waxa ay lee dahay ugu yaraan 10-su’aallo ayaa la weyn diin doonaa Madaxweynaha.