C/weli Gaas “Xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya ma wanaagsanaan doono inta dad Soomaali….”.

R/wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya, C/wali Maxamed Cali Gaas oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho kaddib Safaro uu ku soo kala bixiyey Dalalka Talyaaniga, Kenya iyo Jabuuti ayaa sheegay in marnaba uusan wanaagsanaan doonin xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Inta Dalkaasi ay ku dhibaatoonayaan dad soomaaliyeed.

C/wali Gaas oo safarkiisa Talyaaniga ka hadlay ayaa sheegay in uu indhahiisa kusoo arkay dad soomaaliyeed oo ku dhibaateesan gudaha dalka Talyaaniga, isla markaana uu Dowladda Talyaaniga kala hadley sidii dadka Soomaalida ee tahriibka ku galaya Dalkaasi ay il gooni ah ugu eegi lahayd.

Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in marnaba aysan is qaadanayn in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibtoodaan wadanka Talyaaniga iyo in uu wanaagsanaado xiriirka labada Dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa dalka Talyaaniga ku leh Safaarad, iyadoona xilligaan Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Talyaaniga uu yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii C/llaahi Yuusuf Amp. Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde”, oo u muuqda in uusan wax badan ka qaban dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ku heysata dalka Talyaaniga.

Ra’iisal-wasaare Gaas ayaa intiii uu ku sugnaa dalka Talyaaniga waxa uu kulamo la qaatay, dhigiisa dalka Talyaaniga, Wasiirka Arrimaha dibadda Talyaaniga, Wasiirka difaaca Talyaaniga, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, iyo xubno kale oo ka tirsan Madaxda Talyaaniga, kuwaasi oo uu dhammaantood kala hadley, Xaaladda dalka Soomaaliya.

Dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku sugan kumanaan Soomaali ah kuwaasi oo noloshooda marka loo eego dhibaatada ay ka soo carareen, kaga sii daran tahay tan xilligaan ku heysato dalka Talyaaniga, iyadoona aysanjirin xuquuq la mid ah tan ay bixiyaan dalalka kale eeYurub oo ay soomaalida halkaasi ku helaan.