Qodobada Shirka London oo ka hor imaanaya Roadmap-ka iyo Kampala Acord, Warqad uu qoray Danjire Matt Baugh. [Aqriso].

Danjiraha Dowlada Britian u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa warqad qoraal ah Bishii December 23-keeda u diray Xubnaha Dowlada Caalamka ugu qeyb galaya Shirka ka dhacaya London ee loogu hadlayo Xaalada Dalka Soomaaliya.

Matt Baugh waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in ujeedada shirka London ay tahay saddex ujeedo oo ay ugu horeeyaan, Amaanka, Siyaasadda iyo Horumarinta kuwaasoo uu sheegay in si weyn shirka London loogu falanqeyn doono.

Sidoo kale waxa uu warqadiisa ku qoray in ujeedada shirka London ay qeyb ka tahay sidii Nidaam Hoosaad ama (Interim Authority), loogu sameen lahaa dalka Soomaaliya.

Ajendayaasha Horu-dhaca ee shirka London ayaa intooda badan waxa ay burinayaan Heshiiskii Kampala Acord, ee lagu soo sharciyeeyay Qorshaha habraaca marxalada Kala guurka ee (ROADMAP-ka).

Warqadaan oo ay qaab sir ahaan ku heshay mid ka mid ah Idaacadaha Maxaliga ee ka Howlgasha Magaalada Muqdisho laguna Magacaaba Risaala, ayaa waxa ay ka turjumeen Qodabooyinka ugu Muhiim sanaa.

Halka Hoose ka Aqriso.

1- GEEDI SOCODKA SIYAASADDA

- Way cadahay in August 2012 ay tahay waqti kama dambeys ah oo muhim ah (dhamaadka jiritaanka DKMG ah ee hadda shaqeysa).

- Qeybaha kale ee siyaasadda Soomaaliya waa in lagu soo daraa geedi socodka siyaasadda si firfircoon, si ay u saamaxdo sameynta dawlad wax metesha.

- Dawlada Federaalka KMG ah waxaa bedelaya nooc gole guud ah iyo maamuul hoosaad KMG ah* (tani waxay la mid tahay nidaamka hadda lagula dhaqmo reer Falastiin).

- Dadka qaar waxay muhim u arkaan taageero in la siiyo maamulada gobolada sida Puntland, Galmudug iyagoo taasi ku dhisaya deganaanshaha guuleystay ee Somaliland ay heshay, Halka qaar ay si cad oo isku mid ah u sheegeen inay muhim tahay taageerida hay’ad dhexe (maamul dhexe).

- Dhamaan dhinacyada waxay insku xirnaan wanaagsan oo ka dhexeya saaxiibada caalamiga eek u hawlan caawimaada, Qaarna waxay soo jeediyeen “Guddi wadajir ah oo maamula dhaqaalaha”.

Arimo muhim ah oo ku jira gabagabada:

- London waxaan ku cadeyn doonaa in isku-bedelkan ay ku dhamaato August 2012.

- Kuwa ku imaanaya isbedelka (maamulka dambe) waa inay noqdaan dad metela Soomaalida oona lala xisaabtami karo.

- Waa inuu jiraa hab cad (transparency) oo la xiriira dakhliga iyo kharashaadka maamulka loona cadeeyaa deeq bixiyaasha iyo saaxiibada.

- Waa in si hadaf leh loo wajahaa sidii miisaaniyada horumarinta (developmental budget) iyo taageerada kale la gaarsiiyo maamulada ka baxsan Muqdisho si ay qeyb uga noqoto hanaanka ballaarinta siyaasada qaran (Faahfaahin dheeri ah hoos ayaa looga hadli doonaa).

- Waa in la dhisaa diyaarinta doorasho quman oo heer qaran ah taasoo dhacda mustaqbalkan aan fogeyn.

2. AMAANKA

- Amaanka si dhakhso leh ayuu isu bedelayaa, AMISOM-ta Muqdisho si wax ku ool ah ayey horay ugu dhaqaaqday hase yeeshee taageerada dhaqaale ay hesho ayaa ah mid ku yar waana in loo kordhiyaa taageero jiri karta oo dheelitiran.

- Inkastoo Al-Shabaab hadda ay ku jirto dib u gurasho, haddana waxay sameyneysaa weeraro istiraatiiji ah oo aan isu miisaaneyn.

- Horu-socoshada ciidamada Kenya ay ku siiqayaan dhanka Afmadow waa talaabo cusub oo muhim ah, Dadka qaarna wayba taageereen, Dad badana waxay xuseen in la mideeyo ciidamada Kenya, kuwa Ethiopia, kuwa Uganda, iyo militariga Midowga Afrika (AMISOM) iyo istiraatiijiyada siyaasadeed, waxayna filayaan go’aan kasoo baxa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay sanadkaan [2012].

- Dad badan ayaa shaki iyo dareen ka qaba suurtagalnimada guulaha militari, qaarna waxay sheegeen in loo baahan yahay sharciyad buuxda.

Arimaha muhimka u ah gabagabada

- Waxaan fiirin doonaa habka ugu yaraan aan ku taageeri karno talaabada Kenya oo ay ku jirto taageero xasilin ah oo la siiyo goobaha laga wareejiyo maamulka Al-Shabaab.

- Waxaa jira kooxo badan oo ku lug leh, natiijo wanaagsan oo ka soo baxda shirka London waxay kordhin doontaa isku-xirka dadaalada militari ee Soomaaliya, taasoo ay barbar socoto miisaaniyad dhaqaale oo la isku halleyn karo oo u dhiganta rabitaankeena iyo ballanqaad mudada dheer ah oo loo helo horumarinta ciidamada amaanka Soomaaliya.

3. AL-SHABAAB

- Waxaa jira aragtiyo kala tagsan oo laga qabo Al-Shabaab, Inkastoo aan u aragno aragti guud oo ah in kuwa ka midka ah Islaamiyiinta Soomaaliya ay ku jiri karaan siyaadda balse waa inay noqdaan kuwo raba inay iska daayaan rabashada oo ay dadka aragtiyada kale qaba ay kula nolaan karaan si nabdoon.

- Xitaa saaxiibada aan rabin inay la macaamilaan Al-Shabaab, waxay muhim u arkaan in dadka Al-Shabaab raacsan la siiyo fursad ay hanaanka siyaasada ku soo geli karaan.

Arimaha muhimka ah

- Waxaan isku dayi doonaa qaacida tilmaameysa in geedi socodka siyaasadda Soomaaliya boos laga siiyo “siyaasad Islaami ah”.

- Waxaan isku raaci doonaa qeexitaan guud si looga hortago “argagagixisanimo rabshad ku dheehan tahay” oo Soomaaliya ka hanaqaada.

4. ARGAGIXISANIMADA

- Aragtiyaheena kala duwan ee aan ka qabno Al-Shabaab waxay noo sawirayaan habab iyo farsamooyin kala gedisan oo araxda looga jebin karo Argagixisanimada, Tani waxay isugu jirtaa qaab dhismeed adag iyo mid fudud labaduba.

- Laakiin sida badan waxaa la isku raacsan yahay in amaan adag iyo horumar siyaasadeed ay wiiqi karto argagixisanimada.

- Dad badan waxay dareensan yihiin in wax –uun horumar ah laga gaari karo dhaqaale-siinta argagixisada.

-Dhowr xubnood waxay tilmaameen barnaamij lagu soo xiri karo, dacwad loogu oogi karo, caddaalada lagu horkeenayo dadka lagu helo iyagoo maalgelin siinaya argagixisada.

- Waxaa jirta soo jeedin dhaheysa in AMISOM qudheeda la siiyo “tababaro iyo ogolaansho sharciyeed” oo u fasaxaya inay fuliso hawlgalo lagula dirirayo argagixisanimada.

Waxyaabo muhim ah

-Fariinta guud ee shirka London waxay tahay “In argagixisanimada looga guuleysan karo horumar siyaasadeed iyo mid amni oo isku jira”.

- Waa inaan tilmaamnaa ka go’naanshiyaheena wadajirka ah ee aan dhabarka uga jabineyno argagixisanimada iyo sababaha keenaya argagixisanimada labaduba.

- Waxaan isku dayi doonaa in qaar ka mid ah barnaamijyada garsoorka ay taageeraan habka garsoorka iyo maxkamadaha gudaha Soomaaliya iyo goboladeeda.

5. BURCAD BADEEDNIMADA

- Burcad badeednimadu waa calaamad dhibaato ku ah amaanka iyo dhaqaalaha, Lagumana maareyn karo go’doomin kaliya.

- Inkastoo warbixinada warbaahinta ay muujinayaan hawlgalo burcad badeednimo oo aad u daran, Haddana xaqiiqo ahaan wax badan ayaa laga qabtay inta la og yahay,  Maraakiibteena dagaalka ee wadajirka ee ku sugan Gacanka Cadmeed waxay micneheedu tahay in halkaasi aysan hadda ka jirin wax falal burcad badeednimo ah,  Waxay dadka qaar sheegeen inay tahay in laga fekero sidii talaabo looga qaadi lahaa hantida burcad badeeda u taalla dhulka iyo magaalooyinka.

- Kuweena maraakiibta saartay ilaalada hubeysan waxay u arkeen inaysan keenin cawaaqib guul leh.

- Tiro wadamo ah, gaar ahaan jasiirada Seychelles ayaa aqbalay in burcad badeeda la soo qabto ay xiraan oo maxkamad geeyaan, Sidoo kale qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ayaa hadda aqbalay in burcad badeeda lagu xiro deegaanadooda.

- Waxaa dhacay dhowr dhacdo oo muhim oo fursad wanaagsana siin karay dood dambe oo arinta burcad badeeda laga yeesho. Kulamadaasi waxaa ka mid ah shir madexeedkii Kenya ee burcad badeeda iyo shir madaxeedkii Imaaraadka Carabta ee isna looga hadlay burcad badeeda.

Gabagabada

- Waa inaan si dhow ula shaqeynaa saaxiibadeed Kenya iyo Imaaraadka Carabta shirarkii ay qabteen oo lagu hagi karo hawsha kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ICG.

- Waa in aan si weyn oo taxadar leh idugu keenaa wixii shaqo ee wanaagsanee horey loo qabtay oo ay ku jiraan burcad badeed qabashada, maxkamad saaridooda iyo xukumidooda iyo tusaalayaasha hawsha sida wadajirka ah aan u qabaneyno ama koox gaar ah qabaneyso.

- Waxaan u baahanahay inaan isla ekeyno shaqada aanu badda gudaheeda ka heyno iyo la shaqeynta maamulada Soomaalida ee gudaha.

6. ARIMAHA BANI’AADANIMADA

- Xaalada waxaa laga yaabaa inay ka darto.

- Dad badan oo gobolka ku sugan (Geeska Afrika) waxay ka walaacsan yihiin xad ka talowga, gaar ahaan tirada badan ee qoxootiga Soomaalida.

- Waxaa jira rabitaan guud oo ku wajahan isku-xirka deeq bixiyaasha dhexdooda.

- Abaartii ka jirtay koonfurta Soomaaliya waxay isu bedeshay macluul colaada darteed, In laga hortago macluul dambe waxay u baahan tahay in la kordhiyo xasiloonida gudaha Soomaaliya, Abaartuna waxay ugu darneyd meelaha ay Al-Shabaab maamulaan ee dalka.

- Rasmi ahaan UN-ka ayaa hogaamiya isku xirka, Laakiin Ururka OIC (Iskaashiga Islaamka) laftiisu kaalin mug leh ayuu kaqaatay.

- Turkiga iyo UN-ka waxay qorsheynayaan shir ay ku yeelan doonan Istanbul dhamaadka 2012, Waxaana looga hadli doonaa arimo badan oo ay ku jiraan isku xirka hawlaha gargaarka iyo mashaariicda dib u soo kabashada iyo dibu dhiska.

Gunaanudka

- Waxaan si dhow ula shaqeyn doonaa saaxiibadeen Turkiga iyo UN-ka.

- Waxaan u aqoonsan doonaa in abaartii ka jirtay koonfurta Soomaaliya ay isu bedeshay macluul sababtoo ah xasilooni darida darteed.

- Waxaan isku dayi doonaa inaan isu-keeno waxu qabashada qoxootiga iyadoo la fiirinao walaaca wadamada gobolka iyo damaanad qaadka sharciyeed ee ku xusan heshiiskii 1951-kii ee xuquqda qoxootiga adduunka.

- Waxaan darsi doonaa noocyada ballanqaadyada iyo wax ka qabashada heerarka nolosha ee dadka qoxootiga ah si la mid ah gargaarka aadanimo meelaha ugu daran.

7. XASILOONIDA GUDAHA

- Qaarkeen waxayba horey taageero u siin jireen qaar ka mid ah maamulada heer goboleedka Soomaaliya, inkastoo uusan jirin wax heshiis ah oo naga dhexeeya oo la xiriira maxaa ahmiyada leh iyo halka ay tahay.

- Kuwo badan oo ka mid ah maamulada heer gobol waxay jeclaan lahaayeen qaabdhismeed ka isku-xir wanaagsan.

- Taageero dhaqaale oo ay bixiyaan deeqbixiyaal fara badan oo lagu kharash gareeyo amaanka gudaha waxay noqon kartaa mid wax ku ool ah dhaqaajinta tasiilaadka la heysto laguna hagaajiyo isku duubnaanta.

8. METELAADA

1- Metelayaasha waxay ka imaanayaan gobol kasta oo ka mid ah 18-ka gobol ee Soomaaliya, Waxaa tixgelin la siinayaa habka qabiilka ee 4.5 (afar iyo bar).

2- Gobolada hadda ku hoos jira maamulka Al-Shabaab ee aan awoodin inay wakiilo soo dirsadaan kuraastooda waa loo baneynayaa.

3- Odayaasha qabiilka ee la ogol yahay ayaa isku waafaqi doona wakiiladooda, Arintan waxaa laga yaabaa inay meesha ka saarto qabiilada ku nool meelaha [deegaanada] ay liidato metelaada qabiiliga ah.

4- Golaha dastuuriga waxay jiri doonaan waqti xadidan oo ah inta maamul hoosaadka KMG ah uu diyaarinayo dastuurka, waxaana ku jira geedi socod wadatashi ballaaran ah, Isla markaa geedi socodka wadatashiga oo isu keenaya dadka talada ka go’do ee waaweyn wuu sii socon doonaa, Marka uu dhamaado wadatashiguna waxaa dastuurka ansin doona wakiilada la soo xulay (Baarlamaanka cusub ee qabiiliga ah) ama waxaa lagu ansixin doonaa afti qaran (dadweynahaa cod laga qaadi doonaa).

9. MUDADA MAAMULKA MAXALIGA ee KMG AH (Interim Authority)

4- Mudada lagu jiro maamulka maxaliga (interim authority), deeqbixiyaasha iyo saaxiibada Soomaaliya ayaa dusha kala socon doona habka loo maareynsyo kheyraadka iyadoo la sameynayo guddi la yiraahdo “Guddiga wadajirka ee maamulka kheyraadka”  Sidoo kale waxaa la magacaabi doonaa guddiga ka hortaga musuqmaasuqa.

5-Marka la gaaro 2015, waxaa jiri doona doorashooyin ama meelaha aan doorashooyinka laga qaban karin amaanka dartiis, waxay soo magacaaban doonaan wakiiladooda baarlamaanka, Haddii dastuurka lagu sheego, gobolada koonfurta iyo bartamaha haddii ay Al-Shabaab sii heystaan illaa xilligaas, waxaa soo meteli doona odayaal dhaqameed, Habkaasayaa DAWLAD lagu dooran doonaa iyadoo la raacayo dastuurka!!!.

6-Bulshada caalamka waa inay taageertaa horumarinta hay’adaha dawlada illaa heer degmo iyo heer gobol iyadoo lagu dhisayo qaab dhismeedka jira, xiriirka ka dhexeeya qaab dhismeedkan iyo dawlada qaran waa in lagu qeexaa inta lagu jiro marxalada dastuurka, Isla markaana waa in la taageeraa doorashooyinka heer gobol sida Puntland oo kale.

Faahfaahin: Qoraalkan wuxuu ahaa dukimintigii ay dawlada Ingiriiska ugu talagashay inay ku faahfaahiso ajendaha shirka London, Waxaana loo diray wadamada lagu casumay shirka oo lagu wado in bisha Febraayo 23-keeda uu ka furmo London.

Matt Baugh, wuxuu mudo ahaa wakiilka sare ee dawlada UK u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo fadhigiisu ahaa Nairobi, Mr Baugh waxay dawlada UK si rasmi ah u shaacisay inay u magacawday danjiraheeda Soomaaliya 2-dii Febraayo 2012 isagoo isla maalintaasi waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyey Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed.

Waa maxay interim Authority?

Ereyga “Interim Authotiry” oo ah erey ka soo jeeda laatin, waxaa caadi ahaan loo isticmaalaa nidaam ka hooseeya “dawlad buuxda” Waxaana uu sheegayaa hogaamin hoose oo la siiyo koox ama dhowr ruux oo hawl loo igmaday qabata iyadoo ay jirto cid kale oo dusha ka waardiyeysa.

Habka ‘Interim Authority’ ma ahan wax dunida ku cusub, gaar ahaan wadamada ay faragelinta shisheeyuhu ku jirto,  Nidaamkan oo kale waxaa horey looga sameeyeyay Afghanistan ka dib markii la riday xukunkii Daliibaan sanadkii 2001.

Sidoo kale waxay Mareykanka iyo xulufadiisa habkan oo kale u sameeyeen Ciraq sanadkii 2004 waxaana maamule ka ahaa Paul Braymer oo ahaa Jeneraal ciidamada Mareykanka ka tirsan.

Waa isla habkan kan hadda lagula dhaqmo reer Falastiin oo illaa hadda gumeysi ugu jira Yuhuud iyo reer Galbeed, waxaana Falastiin habkan loogu sameeyey shirkii Oslo (Oslo Accord) ee dhacay 1994.

Ajendahan iyo Roadmap-ka

Dadka u dhuun-duleela siyaasadda dalka waxay sheegeen in habkan ay la mid tahay tobankii sano ee Soomaaliyaku jirtay xukun hoosaadkii Qaramada Midoobay sanadkii 1950-kii [UN trusteeship in Somalia] taasoo ahayd mudadii ka horeysay xoriyadii dalka ee 1960-kii loo dabaaldegay.

Markale ajendayaashan hordhaca ee shirka London waxay si cad u burinayaan qodobada ugu muhimsan ee qorshaha habraaca marxalada Kala guurka “ROADMAP” ee soo baxay bishii September 2011. kaasoo dhigayey dhameynta marxaladda KMG ee hadda dalku ku jiro loona gudbo dawlad rasmi ah oo sidaas caalamka Soomaaliya kula dhaqmo.