Gobolka Karkaar oo Macsalaameesay Bari & Nugaal oo Cashir u dhigtay Heylaan.

Garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare, ee Magaalada Garoowe Xarunta Maamulka Puntland, waxaa galabta ka dhacday ciyaaro aad u xiiso badan oo la dhihi karo waxa ay ahaayeen kulamadii ugu xiisaha badnaa tan iyo intii uu bilawday tantanka 6-aad ee Ciyaaraha Gobolada Puntland.

Xulalka Gobolada, Bari, Karkaar, Haylaan, iyo Nugaal, ayaa galabta isa sifeeyay, iyadoona kulankii ugu horeesay ee kulan ciyaareedka Maanta isaga hor imaadeen Kooxaha, Karkaar Vs Bari oo ciyaartooda Maanta aheyd kulankii ugu horeeyay oo ay isku arkaan tan iyo intii uu bilawday Tartanka Ciyaaraha Gobolada Puntland.

Kooxda Gobolka Karkaar ayaa Afka Ciida u dartay Xulka Gobolka Bari, iyadoona kulankooda oo ahaa mid aad u adag uu kusoo idlaatay 1-0, oo ay guusha ku raacday Xulka Karkaar.

Taageerayaal fara badan oo rajo ka qabay in Xulka Gobolka Bari Maanta wareega ka soo gudbo, ayaa halkaasi niyad jab kala kulmay, iyagoona Boorsada lasii xambaaray Xulka Bari.

Kulan ciyaareedkii labaad ee Maanta waxaa Garoonka Mire Awaare isku Arkay Kooxaha ka socday Gobolada Nugaal iyo Heylaan, oo iyaguna ciyaartooda aheyd mid si weyn loo wada sugaayay, taageerayaal fara badanna ay Garoonka ku wada sugnaayeen.

Nugaal oo labo jeer soo badisay, ayaa cashir u dhigtay Xulka Heylaan oo iyagu haljeer soo badisayay marna bar bar dhac galay, Waxa ayna kulankooda kusoo idlaatay 4-2, oo ay guusha ku raacday Xulka Gobolka Nugaal.

Kumanaan ka tirsan Taageerayaasha Kubada Cagta Ayaa Garoonka Mire Awaare buux dhaafiyay, iyadoona sidoo kale ay garoonka ku sugnaayeen, Mas’uuliyiin ka socotay Dowlada Hoose ee Maamul goboleedka Puntland.