Mudug oo 1-0 u dhiibtay Sanaag, Halka Sool iyo Cayn ay cashir isku dhigeen.

Kulanka ka mid ah Kulamada Ciyaaraha Gobolada hoostaga Maamulka Puntland ayaa Maanta lagu ciyaaray Garoonka Kubada Cagta Mire Awaare ee Magaalada Garoowe, kaasi oo ay isaga hor imaadeen kooxaha ka kala socday Gobolada Mudug, Sanaag, Sool & Cayn.

Kulankii ugu horeeyay ayaa waxaa isaga hor yimid, Mudug Vs Sanaag oo soo bandhigay Ciyaar aad uxiiso badan taasi oo soo jiidatay kumanaanka taageere ee usoo daawasho tagay Ciyaarihii Maanta, waxa ayna kulankooda kusoo idlaaday 1-0 oo ay guusha ku raacday Gobolka Mudug.

Mudug iyo Sanaag ayaa ku wada jiray (Group B), labada koox ayaa horey usoo wada badiyay waxa ayna maanta u tartamayeen in ay wareega Semefinalka usoo gudbaan, waxaana 6-dhibcood kusoo gudubtay Kooxda ka socotay Gobolka Mudug.

Kulanka Labaad ee Maanta waxaa isku wada arkay Sool Vs Cayn, oo Ciyaartooda aheyd mid si weyn loo wada sugaayay, Maadaama ay horey ugu soo wada badiyeen Kooxihii lasoo ciyaaray

Ciyaarta dhex martay Kooxaha ka socda Gobolada Sool iyo Ceyn ayaa aheyd mid si weyn usoo jiidatay taageerayaasha ku sugnaa Garoonka Mire Aware ee Magaalada Garoowe, waxa ayna Kulanka Ciyaartaasi kusoo idlaatay 2-1 oo ay Guusha ku raacday Gobolka Sool.

Kulamo aad u xiiso badan ayaa la sugayaa in ay dhacaan Maalinta barito ah, kuwaasi oo ay isku arki doonaan Kooxda ku wada jira Group A, oo barito is sifeyn doona.