Safaarada soomaalida ee Sudan” Hana qaad iyo hor u socosho shaqo”

Tolow maxay noqon doontaa faah faahinta maqaalka, wariyuhu maxuu xaqiiqsaday oo ku kalifay inuu qoro qoraalkan, waa su,aalaha ugu suuragalsan oo ay is weydiin karaan akhristayaasha durbadiiba marka ay arkaan cinwaanka maqaalka.

Safaarad” waa magac Mug iyo Miisaanba xambaarsan, qof walba wuxuu garan karaa ahmiyada safaarada iyo wax qabadkeeda, waa magac bulsho iyo dowlad walba ay si gaar ah u xaq dhowraan, soomalidana qeyb ayey ka yihiin,waxaana jamhuuriyada soomaaliya ay xarumo safaaradeed ku leedahay dowlado badan oo caalamka ku yaala.

Safaarada soomalida ee sudan ku taala waxa ay ka mid tahay safaaradaha ugu shaqada badan ee dowlada soomaliya, waxaana lagu xantaa in safaaradu aanay dardar badneed howlaheeda shaqo, inkastoo mudooyinkii u danbeeyay u muuqaneesay mid ku talaabsaneeso isbadalo dhanka shaqada ah, iyadoo xarunteeda marka aad booqatid aad dareemeesid mashquulka shaqeed ee safaarada.

Is-badalo muuqdo ayey safaarada ka sameesay howlihii shaqo oo ay u heysay soomalida Sudan ku nool, waxaana ay ku guuleesatay soo saarista baasaboorka cusub ee soomaaliga, talaabadaasina waxaa si diiran u soo dhaweeyay kumanaanka qof ee soomaaliga iyadoo safaarada mashquulka ugu badan ay kala kulanto diiwaan gelinto dadka u baahan sameesashada baasaboorka Electariga ah ee soomaaliga.

Soomaalida Sudan ku sugan waxaa ugu badan arday jaamacado ka dhigta,baahida ugu badan oo ay safaaradu u qabaan waxaa ugu weyn in ay ka soo qaataan warqad ay ku codsanayaan in loo ogolaado sameesashada sharciga wadanka Sudan iyo xaqiijinta soomaalinimada shaqsiga goosanayo iqaamada dal ku jooga ah,warqadaasi safaarada marka laga soo qaadanayo waxaa ardaydu ay bixiyaan lacag 50 Jineh oo lacagta Sudan ah una dhiganta 20$ dollar, waxaana in la is xasuusiyo mudan in ardayda sudan wax ka barto tiro badan oo ka mid ah inaysan awoodin bixinta lacagtaasi duruufo dhaqaalo aawadeed,inkastoo Qunsulka safaarada Ibraahim Guure uu sheegay safaaradu in qaar badan oo ka mid ah ardayda ay u cafiso lacagahaasi marka ay codsiga soo gudbistaan ka dib.

Maxamed Cabdullaahi Faarax waa Safiirka soomalida ee Khartoum, dhawaan ayaa xilka loo soo cimaamaday,waxaana uu safaarada ku sameeyay is badalo dhanka shaqada ah, Daarta safaarada marka aad booqatid inta aadan u sii gudbin hoolka shaqada, ujeedooyinkii aad ka laheyd safaarada waxaad ka fushaneesaa Daaqad waana mid ka mid ah astaamaha safaaradaha wadamada horumaray.

Khartoum waa caasimada jamhuuriyada islaamiga ah ee Sudan, waxaa safaarado ku leh dowlado badan oo ay soomaali qeyb ka tahay, inta aad wadooyinka magaalada socotid waxaad arkeesaa gawaari ay ku xiran yihiin Taarikooyin diplumaasiyadeed, waxaana si gaar ah kuu saameenaya marka ay indhahaagu qabtaan Gaariga Safaarada oo uu ka babanayo calanka soomaaliya ayadoo ay dhacdo in ajaanibta ay si lama filaan ah kugu yiraahdaa gaarigan soo ma,ahan kii safaaradiina waxaad jecleesanaa inaad kula dag-dagtid Jawaabta “Haa”.

Safaaradu waxay dagan tahay Daar Afar dabaq ah, meel fog marka aad ka aragtid waxaa kuu muuqanaya Calanka Soomaliya, Albaabka safaarada waxaa illaalo ka ah Ciidamada Boliceka ee Sudan oo kuula macaamilaya si ay ku jirto Xurmad hadii aad u baahatid gudaha safaarada,waxaana muuqanaya is badalo dhan kasta oo shaqada ah inay ku talaabsatay safaarada, waxaana inbadan oo ka mid ah Ardayda ay si diiran u soo dhaweeyeen howl-wadeenada Safaarada oo iminka u muuqanayo kuwo dhexda u xirtay habsami u socodka howlaha shaqada ee safaarada.

W/Q Maxamed Axmed Caaqil Yare

Khartoum-Sudan

+249-929-803494