William Hague, iyo Danjire America oo arrimo muhiim ah ka wada hadlay, Daawo Sawirada

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, iyo Danjire America oo ku soo laabtay Nairobi kadib markii ay saaka socdaal ku tageen Magaalada Muqdisho halkaas oo Wafdiga Britain kula soo kulmeen Madaxda Dowladda KMG ah.
Danjire Maxamed Cali Nuur (America) ayaa intii ay ku sii jeedan Magaalada Muqdisho isaga Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, waxay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya sidii loo taageeri lahaa dadka u badan dumarka iyo caruurta.
Waa markii ugu horreysay xoghaye Arrimo Dibadeed oo Britain ah oo booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah.

Waxaa uu ku baaqay in la kordhiyo dadaalka lagula jira argagixisada Soomaaliya ku sugan.

William Hague wuxuu ku tilmaamay in guulaha militeri ee ciidanka AMISOM ay dhowaan soo hooyeen ay al Shabaab ciidankeeda ku khasabtay dib u gurasho.

Dowladda britain waxay London ku marti gelineysaa shirweyne caalami ah oo looga arrinsado Soomaaliya bishan gudaheeda.

Danjire Maxamed Cali America ayaa loo arkaa diblomaasi meel sare kaga jira siyaasadda soomaaliya isagoo inta badan waqtigiisa siiya howlaha Qaranka.

Safiirada Soomaaliya dibadda u jooga ayaa marka laga hadlayo waxaa la soo qaata Danjire America oo dadaal fara badan geliyay xal u helida arrimaha soomaaliya iyo taageerada beesha Caalamka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague ayaa ku amaanay Safiirka Soomaaliya kenya Maxamed Cali America dadaalkiisa diblomaasiyadeed isagoo goobjoog ka ahaa Safiir America kulankii dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague.

Safiir America ayaa saaka u kaxeeyay Wafdiga Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague Magaalada Muqdisho.