Qarax Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hooyga Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftii hore ayaa Maanta waxaa lagu qaaday Hooy uu Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee deeganka Galmudug ka dagan yahay Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Qaraxa oo daqiiqado ka hor dhacay ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona uu halkaasi durba ku geeriyooday ruuxa is miidaamiyay iyo ilaalo ka tirsaneed, ilaalada Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Lama sheegin in xilliga uu qaraxaan ismiidaaminta ah dhacaayay Cabdi qeybdiid ku sugnaa hooygiisa iyo in kale, walloo bur bur uusoo gaary hooyga.
Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa soo gaaray goobta isla markaana isku gadaamay, iyadoona xaalada ay tahay mid aad u kacsan, oo aan wax faah faahin sidaa u dher laga bixin karin.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Dowlada KMG ee Soomaaliya xilli kasoo noqday Wasiirkii Macdanta, Asigoo sidoo kale mar soo noqday Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Waxii warar ee kusoo kordha Qaraxa Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hooyga Cabdi Qeybdiid kala soco wararkeena danbe.

