Ogeysiis ku socota Soomaalida iyo Muslimiinta ku dhaqan dalka South Africa.

Waxaa dhamaan lagu war galinayaa dadweeynaha Soomaaliyeed in Ixtifaalkii Mowliidka Nabiga NNK ha ahaatee ee uu kabilaaban doono wadanka South Africa gaar ahaan magaalada Cape Town.

Munaasabada is daba joog ah oo lagu weyneynaayo Dhalashada Nabigeenna Muxamed NNK ha ahaatee ayaa sida caadada u aheydba Culumaa´udiinka Soomaaliyeed ee Ahlusunna waljamaaca waxaa lagu qaban doonaa Munaasabadahaas Magaalada cape town ee wadanka south afrika 12/02/2012- oo waafaqsan Hujriga 19 bisha mowliid 1433 waxaana uu ka dhjici doonaa xaafada Soomaalida u badantahay ee Bellville Maalintu waa axad Saacaddu 15:00.

Culumada ka soo qayb galeysa :

1- Sheekh Maxamed ibraahim garyare   -  Gudoomiyaha Ahlu Sunnah waljamaaca ee South Africa

2- Sheekh yuusuf jiirow   -   Madaxa dariiqada Ahlu Sunnah ee South Africa

3- Sheekh nuuradiin ciise   -  Madaxa Dacwada Ahlusunnah ee South Africa

4- Sheekh axmed sanyare

5- Sheekh maxamuud mahdi

6- Sheekh macalin ijaabo

Sidoo kale waxaan dib idiinkaga soo sheegi doonaa xilliyada lagu qaban doono Munaasabaddaasi magaalooyinka Waddanka South Africa oo ay kazoo qeeyb gali doonaan culimaa udiin magic ku dhaxleh bulhsa weynta Soomaaliyeed.

Wixii intaa dheer kala Xiriir

xafiiska Ahlusunn wal jamaaca Cell. 0027730617336