Aar goosiga Alshabaab ee Dowladda iyo AMISOM, Maxaa ku lug xiray dilalka Suxufiyiinta ??

Ugaarsiga suxufiyiinta iyo saxaafada soomaaliya ayaa ah mid bar-bar socda colaadaha u dhexeeya xukuumada soomaaliya iyo urura diimeedyada dagaalka kula jira bulshada rayidka iyo KMG soomaaliya taasoo salka ku heysa diidmada curinta dhacdooyinka xiisaha badan ee ka socda magaalada muqdisho oo mudooyinkii danbe lagu ciribtiray bahda saxaafada xiliyada ay ku howlan yihiin gudashada mihnadooda barakeysan.

lama oran karo dagaalka urura diimeedyada waa mid ku eg la dagaalanka ciidamada dowladaha dariska ka jooga magaalada muqdisho balse waxa uu saameyn ku leeyahay la dagaalanka Culimada,saxaafada iyo waliba wax-garadka.

Khabiir u dhashay dalka “Tuunis” oo isagu boga aljazeera ku qoray sanadii 2011 maqaal ku saabsan bur burinta dalka iyo dadka soomaaliyeed ayuu ku sheegay in dalka soomaaliya dhibaatadiisu salka ku heyso “Aar goosiga qabiilada” dabadeedna magacyo badan loo sameeyay khabiirkaasi isaga oo tusaale usoo qaatay Alshabaab waxa uuna tibaaxay in xarakadaasi had iyo jeerba ku howlan yihiin la dagaalanka bulshada, islamar ahaantana alshabaab hal ku dhig ka dhigteen “dalka ajaanib ayaa kusoo duushay” Sidaa waxaa qoray Cabdi rasuul Cabdi-jabaar.

Sidoo kale Khabiir Cabdi rasuul Cabdi-jabaar waxa uu xusay xarakada alshabaab in had iyo jeerba ay beegsanaayan indhaha bulshada isaga oo xiligaasi qoraalkiisa kusoo qaatay dilalka suxufiyiinta iyo culimada soomaaliyeed loo geysanaayo, halka dowladaha caalamka laga ixtiraamo culimada iyo saxaafada.

dilalka kadhanka ah ee lala beegsanaayo bahda saxaafada soomaaliyeed gaar ahaan suxufiyiinta ku dhaqan magaalada muqdisho iyo boosaaso ayaa ah mid cirib tirkooda mashruuc lagu fulinaayo, maadama saxaafada muqdisho lagu sheegay in ay mudooyinkii danbe qeyb ka noqotay u Ololeynta nabada soomaaliya, walow aynan jirin maamul isku xil saaray ilaalinta amaanka saxafiyiinta magaalada muqdisho iyo boosaaso isla waqti ahaantana goobta kama marna in ay saxafiyiintaasi ku qanacsanyihiin kala danbeynta iyo amaanka soomaaliya oo dib usoo laba kacleysay.

Xarakada Alshabaab ayaa aaminsan dilalka kala duwan ay la beegsaneyso bulshada gaar ahaan suxufiyiinta dib usoo noolanshaha awoodi dhowr bil ka hor ay lahaayen hayeeshee arrintaasi ku aadan awood raadinta waxaa ku hingoobay bulsha weynta soomaaliyeed, arrinkaasi ayaa soo dadajiyay qilaaf xoogan oo iminka ka dhex aloolsamay maamulka alshabaab oo mudooyinkii danbe la tiicaayay shacbiyad la’aan kasoo wajahday dhanka bulshada.

Ugu danbeyntii dilalka saxafiyiinta ayaa iminka ah jawaab ku wajahan dowladda midnimada qaran iyo amisom oo mudooyinkii danbe hanatay shacbiyada bulshada soomaaliyeed gaar ahaan bahda saxaafada oo iyagu horumuud u noqday amaanka magaalada muqdisho islamar ahaantana shacbiga u tabiya warbixino diirada lagu saarayo nabad galyada ka dhalatay muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Wariye: Anwar Bakhiit

Khartoum – Sudan

+249-925293622

Email:- wararka@live.se