Ogeysiis ku socota dhamaaan Soomaalida ku dhaqan Wadanka Nederlands – Holland.
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyinka wadanka Holland in dhowaan la qaban doono shir looga hadlayo warbixin sanadadeed ka soo baxay dowladda Nederland, laguna soo bandhigay qodobo muhiimad gaar ah u leh Soomaalida, waxaana waxyaabaha lagu soo qaaday warbixintan ay si toos ah u saameynayaan mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya wadankan, waxaana laga doonayaa cid kasta oo waxgarad Soomaaliyeed ah in ay shirkaasi ka soo qeybgasho, si looga hadlo aayaha & mustaqbalka Soomaalida ku dhaqan Nederland.
Kulankani waa mid albaabadiisu u furan yihiin dhammaan mujtamaca Soomaalida ah ee dhaqan wadankan, Holland.
Faahfaahin adresska iyo saacadda shirku qabsoomayo.
Goobta: Mansveltschool
Karel Doormanstraat 125
1055 VE Amsterdam
Taariikhda: 12-02-2012
Saacdda: 11:00-17:00
Wixii kale oo warbixinta shirka ku saabsan waxaad kala soo xiriiri kartaa
E-mail : ganey01@hotmail.com /idriss@sarapo.org
Mobile No: +31-684624954
Telka: +31-20771 6211
(Qabanqaabiyaha shirka Max’ed Xassan Idiris)

