Madaxda Talyaaniga iyo Somalia oo maanta kulan ku leh Magaalada Roma
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta lagu wadaa in magaalada Roma kula kulmo Ra’iisal Wasaaraha dalka Talyaaniga Mario Monte iyagoo ka wada hadli doono xaalada dalka soomaaliya,
Kulankan labadaan mas,uul oo lagu sheegay mid muhiim ah ayaa loogaga hadli doonaan xiriirka labada dal iyo kaalinta uu Talyaanigu ka qaadan karo dib u dhiska iyo xasilinta dalka Soomaaliya.
Talyaaniga ayaa soo gumeystay soomaaliya laakiin kaalintii laga rabay inuu ka qaato badbaadinta dalka nidaam la’aanta ku jira 20 sano ma uusan qaadan haatan waxaa la leeyahay talyaaniga waxaa uu doonayaa inuu fahamo shirka ka dhacay London.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta waxyaabaha lagu soo qaado ay ka mid yihiin burcad badeeda iyo al shabaab.
