Muqdisho oo caawa lagu dilay Agaasimihii Idaacadda Shabelle
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho lagu dilay caawa fiidkii Agaasimihii Idaacadda Madax banaan ee shabelle oo lagu magacabi jiray Xasan Cusmaan Cabdi oo loo yaqaano Fantastic.
Niman hubeysan ayaa albaabka aqalkiisa oo ku yaala Xaafada Nasteexo ee degmada Wadajir u istaagay xilli uu marxuumka doonayay inuu galo guriga kadibna waxay ku fureen rasaas taas oo markii dambe u dhintay.
Marxuumka ayaa la geeyay isagoo dhaawac ah isbitaalka Madiina halkaas oo sida la sheegay ku dhintay.
Degaanka falka ka dhacay waxaa maamulo Dowladda KMG ah laakiin lama oga cida dilkiisa ka dambeysa.
18 kii Decembar ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye C/salaan Xiis iyadoo dilkiisana uu ka dambeeyay askari Dowladda KMG ah ka tirsan.
Waa Agaasimihii 3 aad oo Idaacada shabelle laga dilo tan iyo 2007 dii.
