IGAD oo go’aano deg deg ah ka soo saartay khilaafka Xubnaha Baarlamaanka Somalia
Madaxda Dowladaha Urur Goboleedka IGAD kulab ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay isku raaceen in tallaabo laga qaado cid walba oo ka hortimaadda heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo weliba heshiiskii Garoowe lagu gaaray.
Madaxweynayaasha, Jabuuti, Suudaan, Somalia iyo Ra’iisal Wasaaraha martida loo ahaa Meles Zanawi iyo dalka Ciidamadiisa soomaaliya ku sugan ee Kenya ayaa go’aankaas wada qaatay iyagoo sheegay inay il gaar ah ku eegi doonaan xubnaha qaswadayaasha ah ee Baarlamaanka ku jira.
“Waxyaabihii looga hadlay kulanka madaxda IGAD waxaa ka mid ahaa sidii lagu hirgelin lahaa heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo heshiiskii Garoowe, cid walba isku dayda inay ka hortimaadana tallaabadii ku habboon laga qaado,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Siciid Yuusuf Nuur oo shirkaas ka qaybgalay.
Laakiin muhiimada gaar ah ayaa la siiyay xaalada amaanka soomaaliya sidii looga hortagi lahaa kooxda al shabaab.
IGAD waxay sheegtay inaan loo dul qaadan doonin xubnaha Baarlamaanka ku jira ee diidan heshiiskii Kampala, Roadmap-ka iyo waxyaabihii ka soo baxay shirkii Garoowe.
Waxaa la isku raacay in safarada laga joojiyo xubnaha ku jira baarlamaanka ee Roadmap-ka diidan.
Go’aanka IGAD ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhexeeya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ka dhashay xil ka qaadi lagu sameeyay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.














