Xildhibaan caawa lagu dilay Puntland
Mid ka mid ah Xildhibaannada Maamulka Puntland ayaa toogasho lagu dilay xilli uu ku sugnaa Magaalada Baargaale oo Gobolka Bari ka tirsan.
Wararka laga helayo Boosaaso ayaa xaqiijinaya dilka Xildhibaankan oo caawa fiidkii lagu dilay Magaalada Baargaale oo Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland.
Xildhibaanka oo magaciisa lagu soo gaabiyay Bile ayaa waxaa la sheegay in bartamaha degmada Baargaale ay ku dileen Kooxo hubaysan oo aan la garaneen kuwaasi oo isla markiiba ka baxsaday goobta falka ka dhacay.
Xaalada amaan ee degaanada Puntland ayaa ka sii dareysay bilihii ugu dambeyay ma aha markii ugu horeysay oo xildhibaan ka tirsan Maamulkaas la dilo.














