Faah faahin laga bixiyay Shirka ka dhacaya London, 40-Madaxweyne oo ka qeyb galaya.

Ergeyga gaarka ah ee dowlada Britain u qaabilsan Arimaha Somaaliya Matt Baugh ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedooyinka ka danbesa qabsoomida shirka London loogu qabanaayo kooxaha Soomaalida iyo waliba dhinacyada shirkaasi ka qeyb galaya.

Matt Baugh oo waraysi gaar ah siiyey Laanta Afka Soomaalida ee Idaacada BBC-da, ayaa sheegay in ujeedooyinka ugu muhiimsan ee shirkaan loogu qabanaayo dhinacyada soomaaliya ay tahay sidii xal waarta loogu heli lahaa dhibaatooyinka daba dheeraaday ee mudada heysata dalka Soomaaliya.

Mr Matt Baugh waxa uu sidoo kale xusay in Shirkaan muhiim ay u tahay sidii Caalamka loo tusi lahaa baahida loo qabo in dalka Soomaaliya xilligaan ay ka gudubto dhibaatooyinka soo jiitamaayay ee dalka ka jira mudada ku dhaw 20-sano.

Waxa uu ergeyga sheegay in shirkaan ay ka qeyb gali doonaan dhinacyadii wada saxiixay heshiiskii Roadmap-ka, asigoona dhinaca kale sheegay in shirkaan ay ku marti qaadeen Maamulka Soomaaliland, walloo uu sheegay in aysan cadeyn karin kasoo qeyb galkooda.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka soo qeyb gali doona Wufuud ka kala socota Dowlado badan oo daneeya Arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo gacan ka geysanaya habsami u socodka shirkaan, iyadoona dowladahaasi laga xusay, Mareykanka – Khaliijka – Ethopia – Jabuuti - Kenya – Uganda.

Matt Baugh waxa uu sidoo kale wareysigiisa ku sheegay in shirkaan uu qeyb ka yahay sidii meel la isla dhigi lahaa hanaan siyaasadeed oo ay yeelato Soomaaliya, kaasi oo qeyb ka ah qorshaha ugu weyn ee shirkaan loo qabanaayo.

illaa iyo 40-Madaxweyne iyo wasiiradooda arimaha dibadda oo ka kala socda Caalamka ayaa shirkaan ka soo qeyb gali doona, kuwaasi oo fikir ku yeelan doona xaalada dalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in dhamaadka Bisha February uu ka dhaco Magaalada London ee dalka Britian, iyadoona inta uu socdo loogu hadli doono dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada iyo Burcadbadeeda ay ku hayaan gobolka.