Xishood iyo murugo jaceyl [Sheeko Jaceyl "Qeybta 1-aad Qalinkii Ayaan Maxamed "].

Jawiga magaaladda marka la fiirsho wuxuu ahaa mid cirku daruuro isku qariyeen. Roob lugu diirsadayna ee da’deen. Inkastoo magaaladdu Muqdisho tahay mid roobabka u dhago nugul oo jidadka ay biyo fariistaan. Hadana baahida ay dadku ku nooli u qabeen ayaa ah mid ka weyn tan jidadka ay biyaha xareeda ahi la fariisteen. Dalka iyo dowladda soomaalida ee xilligaas jirtay ayaa iska dan yar oo aan dabooli karin baahida bulshadda.

Muno C/laahi waa gabar reeraheedu dan yar yihiin, dan yaridana waa mid ay la qabaan qoysas badan oo soomaaliyeed oo aan keligood sheekadu ku koobneyn. Xaaji C/laahi Maxamed waa nin u carara reerkaiisa wuxuu u shaqeeya dowladd,a walow aan mushaarka dowlada uu ka qaato ku filneyn hadana waa nin karti u yeeshay siddii waxkastaa ha dhacaanee aannu carruurtiisa wax barasho u waayin. Reer Xaaji C/laahi Maxamed qoyskiisa waxey ka kooban yihin lix ruux, xaaskiisa iyo afarta carruur ee ay isku dhaleen. Muno, Sahra, Caasha iyo Axmed afartoodu waxey yihiin ilmo Xaaji C/laahi. Muno waa tan ugu da’da yar ee ilmo Xaaji, inkastoo ay isku sannaddo dhow dhow yihiin oo aaney sidaasi wax badan u kala waa-weyneyn hadana wey muuqataa in aabahood uu tacliintooda ku da daalay siddii aaney qeyrkood uga hari laheyn.

Guriga iyo howlihiisa Seynab Macalin oo ah hooyadda reerka, waxaa ay uga hartay gabdhaheeda isa soo wada gaaray da’dooda, iney dushaas kala socoto mooyee amuuraha reerka, koob shaah ma karin waayadan. Islaamaha deriskeed ah ee ay sheeko wadaaga yihiin ayaa ku yiraahda markasta ”Adaaba nasiib leh oo gabdhahaaga kuu adeegayaan” Maasha Allaah xitaa oran maayaan! Waxey malaha iloowsan yihiin in dhaqanka soomaalida uu ahaa waligii mid gabadha soomaaliyeed hooyadeed ka kaalmeyn jirtay howsha guriga haddii miyi iyo magaallo la joogaba.

Saacaddu wa 5.30 arroornimo, Muno siddii caadada u aheyd ayey reerka howshiisa u kacday si ay gabdhaha walaalaheed ah u kaalmeyso. Waxey sadexda gabdhood sameysteen jadwal u gaar ah oo gabar walibaa ay maalinteeda leedahay howsha guriga, saas oo ay tahayna marka howshu badato wey is kaalmeystaan iskumana fiirsadaan. …

La soco cadadka dambe!

Waxaa qortay: Ayaan Maxamed Xasan

Wixii tallo iyo tusaaleba ah ku soo hagaaji, Bogga Sheekooyinka ee Codkaxorriyadda.net Ama Email:webmaster@codkaxorriyadda.net