Nin Mareykan u dhashay oo lagu afuubay Magaalada Gaalkayo oo xoriyadiisa dib u helay
Wadahadal qaatay saacado badan u dhaxeeyay Maamulka Galmudug, kooxihii shalay Magaalada Gaalkacyo ka afduubtay nin dhalashadiisu tahay Mareykan iyo odayaasha degaanka ayaa la sheegay in lagu guuleystay in la sii daayo ninkaas Mareykanka ah.
Ninkan oo ah saxafi u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa la geeyey xalay magaalada Hobyo halkaas oo ay kooxo burcad badeed ah doonayeen in ay ugu heystaan madax furasho.
Laakiin Ciidamo ka socda Galmudug oo Magaaladaas tagay ayaa hareerayay kooxda wax afduubatay balse wada xaajood waqti dheer qaatay ayaa ugu dambeyntii sababay in ninkaas Mareykanka ah la geliyo gacanta Maamulka Galmudug.
Haatan waxaa gacanta ku haya ciidamada maamulka Galmudug waxaana goor dhaw lagu wadaa in la geeyo magaalada Gaalkacyo halkaas oo la filayo inuu uga sii duulo magaalada Nairobi.
Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa shalay ka kaxeystay ninkan ajnabiga ah magaalada Gaalkacyo wax yar kadib marki uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo..
