Al-Shabaab oo laga wada saaray deegaanadii ay kaga sugnaayeen Muqdisho, xerada Maslax oo.

Ciidanka dowlada Federalka KMG oo kaashanaya Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa dagaal kula wareegay xaafadihi ugu danbeeyey oo ay Kooxda Al-Shabaab kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Howlgal qorsheesan oo ay ciidamada Dowlada bilaabeen saqdii dhexe ee xalay illaa saakayna socda ayaa waxa ay kula wareegeen fariisimaha ay duleedyada Muqdisho kaga sugnaayeen Al-Shabaab halkaasi oo ahaa goobihii Al-Shahaah ku dhuumaaleesan jireen isla markaana weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqa ah ay kaga soo qaadi jireen Ciidamada Dowlada.

Meelaha ay qabsadeen ciidamada dowlada waxaa ka mid ah xaafada Suuqa Xoolaha ilaa iyo Xeradi Maslax, Qabuuraha Barakaat ilaa qeybaha waqooyi ee jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha guutada madaxtooyada C/laahi Cali Canood ayaa xaqiijiyey in ay ka saareen Al Shabab goobihi ay kaga danbeeyeen magaalada Muqdisho, isaga oo intaasi raaciyey in ay hada fariisin ka sameysteen xerada Maslax.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay hada joogaan deegaanka Darmoole ee duleedka magaalada Muqdisho oo ah wadada loo aado degmada Balcad.

Waxaanan la ogeyn qasaaraha dagaalka, waxaana wali meelaha qaar laga maqlayaa rasaas soo dhaceyso.

Degmada Dayniile oo ay Al Shabab heysteen ayey ciidamada dowlada iyagana sadex jiho ka galeen, balse wali Al Shabab ayaa kaga harsan meelo qaar.

Xaalada ayaa ah mid kacsan iyadoona howlgalkaan aan la ogeyn halka uu ku danbeyn doono, waxaana jira dhaq dhaqaaq xoogan oo wali socda, iyadoona xoogaga Al-Shabaab ay dhankooda cadeeyeen in fariisimo dhowr ah lagala wareegay.

Waxii warar ee soo kordha kala soco wararkeena danbe.