Xishood iyo murugo jaceyl [Sheeko Jaceyl].
Waxaa qortay: Ayaan Maxamed Xasan
Horudhac:
Wey adag tahay qof aad jeceshahay ood ku hamiyeyso inaad sheeko wadaag la noqotid, hadana intaad hortiisa istaagto aad u sheegi laheyd waxa aad qalbigga ugu heyso. Misna ka baqeysid inuu kugu gacan seyro, kuna yiraahdo errayo aan kuu qalmin. Dabcan ma sahlana. Waase halkii ay hees ku tiri fannaanaddii Khadro Daahir Cige” Afka kama cadeyn karro ergana uma diran karro caashaqu ogeysiis ma leeyahay?.
Sheekaddan la magac baxday Xishood iyo murugo jaceyl, waa sheeko ku saabsan gabar da’yar oo lugu magacaabo Muna C/laahi. Waxey Muno aheyd ardayad xilligaaasi dhiganeysay fasalka koowaad Dug/ sare ee Cismaan Geedi Raage ee ku yiilay degmadda H/wadaag.. Waxey iyadoon is ogeyn ka war heshay iney jeceshahay uun mid kamid ah wiilasha ay isku iskuulka ahaayeen. Qisadani waxey dhacday dhamaadkii sanadkii 1989-kii.
Muno subax walba waxaa ka soo hor baxa oo ay indhaha uun ka eegtaa Cabdiqani oo ah wiil kamid ah dhalinyaradda ugu shidan iskuulka. Islaweynin iyo kibir ku jira awgeed asxaabtiisa waa ka dambeeyaan, gabdho iyo wiilalna meeshuu joogo ayey ku soo shamuumaan siddii quraansho meel ku urruurtay. Muuqaalkiisa ayaa sheegaya inuu yahay nin ladan wiilkiis. Haddaba xaalka Muna iyo wiilkaa kibirka badan sida calafka iyo caashuquba iskugu keeno ama u kala geeyo kaga boggo shabakadda CodkaXorriyadda:net. Qoraha sheekadan oo lafteeda xog ogoal u aheyd qeybo badan oo qisadaan ku saabsan ayaa ugu deeqday boggan Codkaxorriyadda.Net in la soo bandhigo. Waana tallaabo aan mahad gaar ah u celineyno Ayaan Maxamed Xassan. Markale mahadsanid. Waxaanu ku leenahay halkaa ka sii wad da daalkaaga aad qalinka ugu qaadatay inaad qorto sheekooyinka ku saabsan Arrimaha Bulshadda.
Sheekadaan waxey xaquuqdeeda u dhowran tahay bogga Codka Xorriyadda iyo qorahaba. Ciddii daneyneyso iney sheekadan daabacato ama ku soo bandhigto aaladaha kala duwan ee warbaahinta hala soo xirriirtaan Ayaan Maxamed Xassan.
La soco qeybta 1aad goor dhow haddii Alla idmo
Wixii tallo iyo tusaaleba ah ku hagaaji Bogga Sheekooyinka ee Warbaahinta Codkaxorriyadda, oo Barnaamijkaan Taaba gelineesa.
Email: webmaster@codkaxorriyadda.net
