Hawa Kiin oo dib u qaaday Heesta Liibaanta.

Xaawo Kiin Waa Fanaanad da’yar oo muddooyinkaan qabsatay Saaxada Fanka, waxayna inta badan soo saartaa heeso u gaar ah oo ay u sameeyaan abwaano caan ah oo fanka magac ku leh, balse mararka qaar waxa ay fanaanadu qaadaa heeso hore loo qaaday.

Heesta “Liibaanta waa ma is afgaranaa” hore waxaa u qaaday Fanaaniinta Khadro Dahir & Hassan Aadan, balse Fanaanada Xaawo Kiin ayaa heestaan si live ah u qaaday Habeenka Sanadka Cusub ee 2012, waxaana Music u garaacay Kooxha Dur Dur Band ee UK.