Haweeney la kufsaday oo xabsi ku jirta, looguna baaqay in ay guursato ninkii faraxumeeyay.

Inta badan dalka Afganistan ayaa waxaa ka dhaco tacadiyo loogaysto hawenka reer Afganistaan oo la xiriira nafsiyadooda.

Hadaba dalkaas Afaghanistan ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday arin la yaab leh ka dib markii haweeney la xoogay ama la faraxumeeyey oo xabsiga la dhigay loo sheegay in laga sii deynaayo xabsiga hadii ay aqbasho inay guursato ninkii xoogay ama kufsadey.

Haweeneydaan oo lagu magacaabo Gulnaz. ayaa waxaa la sheegay inuu xoogay ama uu kufsadey xilli ay 19 sano jir ahyd nin qabey haweeney ay qaraabo yihiin halkaas oo ayna ku qaadey uur, laakiin markii ay haweeneydaas ay booliiskja u ashtagootay ama ay dacwad u gudbisay ayaa waxaa iyada la dhigay xabsiga iyadoona lagu soo eedeeyey gogol dhaaf.

Haweenaydan ayaa  lagu xukumay 12 sano oo xarig ah iyadoona haweeneydaas ay ku dhashay xabsiga gudihiisa gabar uu leeyahay ama aabe uu u yahay ninkii kufsadey, Laakiin arinta la yaabka leh ayaa waxay tahay in haweeneydaas marar badan loo sheegay haddii ay rabto in xabsiga laga sii daayo ay la aqal gasho ama ay guursato ninkii kufsadey, laakiin haweeneydaas ayaa arintaas ay ka biya diiday.

Haweenyedaas ayaa hada xabsiga ku jirto waxaana la sheegay inay arintaas tahay mid u wanaagsan maadaama hadii la sii daayo ay sugeyso in la dilo oo ay dilaan reerkeeda ama kan uu ka dhashay ninka kufsadey maadaama lagu soo eedeynaayo inay sameysay sharaf ka dhac ay u geysatay qaraabadeeda.

Ninka haweeneydaan kufsadey oo xabsiga ku jira ayaa inkirey arintaas asagoona sheegay inay haweeneydaasi tahay qof dil suge ah oo mar un la dili doono, Haweenka dalkaas Afaghanistaan oo lagu sheego in si xun loola dhaqmo ayaa qaar badan oo la mid ah haweeneydaasi ay ka buuxaan xabsiyada dalkaas iyadoona filim ka hadlaayo haweenkaas oo ay maalgalisay midowga reer Yurub la joojiyey baahintiisa ka dib markii loo baqay nafsada haweenka ku jira filimkaas oo laga baqay inay dhibaato weyn oo dilid noqon karto ay u keenta baahinta filimkaas. iyo inaan loo arkin in hab sharciyeedka dalkaas Afghanistaan inuu yahay mid xun oo aan wanaagsaneyn.