Adigoo Gaari wada howlo kale ma qaban laheyd.

London (WM) – Dalka Ingiriiska, booliska ayaa qabtay nin isagoo gaariigiisa wada dhowr shaqo isku mar wada haya sida isagoo ku hadlaya taleefoon, isticmaalaya labtop isla markaana kofee cabaya.

Arrintan ayaa lagu ogaaday howlgal ay booliska Hampshire sameeyeen, sida ay qortay jariirada Telegraph.

Waxaa kale oo ay booliska qabteen nin isagoo gaari kaxeenaya mindi ku cunaya qooq ama (pear) isla markaana isticmaalaya taleefoonka gacanta ah.

Booliska ayaa isa soo qariyey iyagoo soo kireystay gaari taxsi ah si looga digtoonaan oo ay qaladaad badan shaaca uga qaadaan.

Booliska waxay sheegeen in arrimaha ay fariin u tahay dhamaan darawalada baabuurta ee sida taxadar laáanta u mara wadooyinka dalka Ingiriiska.