Jan Bilivo 11-sanadood ka dib, oo dib ugu laabtay Dalkiisa Canada.
Jan Bilivo oo ah muwaadin u dhashay wadanka Canada ayaa mudo 11-sanadood ka dib waxaa uu dib ugu laabtay wadankiisa Dalka Canada.
Warbaahinra wadanka Canada ayaa waxaa ay baahisay in Jan Boliva uu dalka Canada ku soo laabtay axadii lasoo dhaafay ka gadaal markii uu socod dheer oo lugta ah ku soomaray weadama badan oo caalamka ah.
Mr jan Bolivo ayaa waxaa uu lug ku maray dhul dhan 75,000 oo km isagoona soomaray 64 dal oo ka tirsan caalamka kuna kalayaala lix qaaradood.
Jan Bolivo ayaa la hadlay warbaahinta wadanka Canada waxaana uu sheegay inuu ka warbixin doono waxyaabihii uu soo arkay mudadaasi 11 sano ah ee uu socdaalka ku jiray, waxaana uu sheegay inuu diyaarinayo bug uu uga hadlayo wacyigelinta iyo xaquuqda caruurta.
Ugu dambayn Jan ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu dib ugu laabto dalkiisa oo uu mudo kamaqnaa.
Waris Mohamed.
Wehel Media.
Nairobi Kenya.
