Nederlands: Musqul bac ah oo loo sameenayo tareenada cusub
Amsterdam (WM) - Shirkada tareenada ee dalka Nederlands (NS) ayaa lagu wadaa inay soo saarto qalab plastic ka sameysan oo loo isticmaali karo booskii suuliga, taasoo loogu tala galay dadka aan ka maarmin inay xaajoodaan inta ay ku jiraan safarka tareenka, qalabkaasi oo ugu tala galeen tareenada dhowaan la sameeyey ee aan laheyn suuliga, sida ay qortay jariirada Telegraaf.
Rakaabka, tareenada nooca (Sprinter trains) ee istaaga dhamaan boosteejooyinka tareen ee magaalooyinka, ayaa waxay awoodi doonaan inay weydiistaan qalabkaasi yar bacda ah, iyagoo markaa ka dibna ku isticaamli doonaa goobta ka banaan qanka hore ee darawalka uu ka wado tareenka.
NS waxa ay tilmaantay in bacahaasi la siinayo dadka aan ceshan karin kaadida ilaa inta laga gaaraya saldhiga kale ee tareen. Qalabkan waa mid nadaafadiisu ay sareyso oo leh af laga xiro.
Rakaanka iyo shaqaalaha ayaa mar hore ka cowday musqul laáanta tareenadan laakiin wasiirka gaadiidka ee Nederlands Melanie Schultz van Haegen ayaa sheegay in aan musqulo lagu sameyn doonin tareenadan maadama ay aad qaali u yihiin.
hayáda u dooda xaquuqda rakaabka ee Rovers ayaa sheegtay inay ku faraxday talaabadan cusub laakiin waxa ay ku sheegtay inay tahay uun mid dad yar uun loogu tala galay. “Waa in dhamaan tareenada cusub ay yeeshaan musqulo.” ayuu yiri afhayeenka Rovers.
