Mr karel schwarzenberg ayaa Hurday Isagoo ku Jira Shir Caalamiya oo loga Hadlayey Arrimaha Aamniga ee Qaradda Yurub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Czech Republic Mr karel schwarzenberg oo lagu yiqiinay in uu Madax Hoose uu raariciyo xiliyaada shiraraka uu ku jiro ayaa iyada oo uu kujiro shir loga Hadlayey Arrimaha Amniga Qaaradda Yurub oo ka dhacayey magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Waxaa sidii lagu yiqiinayba waxaa qabatay hurdo.

Arrintay ayaan ka yaabin Dadkii shirka kula jiraay sababtoo Horey ayey ugu yiqineen In uu Hurdo xiliyadda Shiraarka Lagu jiro. Xiliga uu hurday ayaa Waxaa Kameradda Sii toos ah ugu hayey saxafiyiintii Halka isiug timid oo dhammantoo isaaga DubaanayeyXiligii uu hurdada uu la dhacasana Masuulkan Dowladda Zech-ga umatalayay Shirka.

Wargeyska monstersandcritics.com ayaa sheegay inay tahay fadeexad ku habsatay wasiirka iyo dalka uu ka soo jeedaba.

Wasiirka ayaa hurday muddo saacad barkeeda, balse ma ay jirin cid toosisay.

Sidoo kale Wargeyska MFDennis oo ka soo baxa dalka Cezh ayaa Bogiisa Hore Ku sheegay in aanay markan aheyn markii ugu horraysay ee shir uu ku dhex lilmoodo ergeygaan ay Dawladiisu soo dirsatey oo ay jirtay tiraba dhawr jeer oo uu seexday isagoo baarlamaanka dalkiisu xog-waraysanayo.

Wasiirka oo arrintan ka jawaabay ayaa sheegay inay tahay cilad uu leeyahay oo ay ugu wacan tahay marka ay meel iskugu yimaadaan dad badan oo ay hawada Dabiciga ee Bili’aadanku ku neefsado “oxygen” tu ku yarato Ay Hurdadu Qabato.

Dalka Czech-ga ayaa madaxdiisa yihiin kuwo la yaab leh, bishii April ayay ahayd marka ay kamaradahu qabteen madaxweynaha dalkaas oo xadaya qallin qaali ah oo uu heshiis ku saxeexayey.

Hoyga dhacdooyinka Xaqiiqaha Dhabta ah

Turjume Ali Musa
alimusa@axadle.com

Xigaasho:http://www.monstersandcritics.com/news/europe/news/article_1663489.php/Czech-foreign-minister-snoozes-through-security-conference