Mas 2-Mitter ah oo laga soo saaray Caloosha Haweenay Maraykan ah.
Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Patricia (36 jir) ayaa xanuun iyo casiraad badani ku bilaambatay wax yar ka dib uun markii hudheel lagu sameeyo cuntooyinka Jabaaniiska ay ka wada cuneen iyada iyo ninkeedu.
Xanuunkaas ayaa keenay in dhakhtar ku yaala magaaladda New York si degdeg ah loogula cararo, iyadoo wakhtigaas matag aan kala joogsi lahayn lahayd.
Intii ay baaritaanka wadeen waxay dhakhaatiirtu ay arkeen wax dubka calooshooda hoos dhaqdhaqaaqaya taasi oo ku khasabtay dhakhaatiirku inay qalliin ku sameeyaan.
“Waa yaabe” waxay calooshooda ka heleen mas nool oo dhererkiisu dhan yahay 2 meter! Arrintaasi oo keentay inay dhakhaatiirtii iyo kalkaaliyaashii ay kala firdhadaan markii maskii uu iyagii isku soo maqiiqay isagoo caraysan.
Ka dibna halkii ayaa lagu dilay maskaas oo ahaa mid cad oo lahaa tiitiix madaw.
Wax yar ka dibna xaaladeedii aad ayay uga soo raysay Patricia una dagan tahay hadda.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay u malaynayaan in maskan uu calooshooda ku koray, gaar ahaan mindhiciradda yar, ka dib markii ay meel wabi ah biyo ka cabtay, lagana yaabo inay biyahaas uu ku jiray beedka maska, kaasi oo ka dibna ku koray calooshooda illaa inta uu dhererkan ka gaarayey.
Ali Muse.
Axadle Editoral.
