Dhakhtarad qof xanuusanayey ku dhex ilawday goobtii Caafimadka.
Dhakhtarad qof xanuusanayey ku dhex ilawday goobtii Caafimadka…..
Haweenay ayaa markaliya is aragtay iyadoo kaligeed dhex jiifta cisbitaal loogu samaynayey isku-daaweynta irbadaha Shiinaha ee loo yaqaan Acupuncture-ka, iyadoo ay jidhkoodana ku turqan yihiin in kabadan 20 irbadood.
Haweenaydan ayaa marnaba aan caroon, balse u dulqaadatay dhakhtaradii oo iska ilawday ka dibna kaga tagtay halkaas markii ay dusha kaga handaraabtay!.
Haweenaydan oo si toos ah ugu waramaysay telefishan Austria laga leeyahay ka dib markii la badbaadiyey ayaa sheegtay in ay u malaynaysay inay soo noqonayso dhakhtaradii, balse markii ay muddo sugtay ay ogaatay in aanay wax shanqar ahi farmasiga ka socon oo dusha laga xiray.
Ka dibna ay iyadu go’aansatay inay Cirbadaha kaligeed ay iska saarto, lana xiriirto booliska oo halkaas ugu yimid iyagoo wata koox wariyayaal ah oo si toos ah hawada uga tabinayey sheekadan la yaabka leh ee ku dhacday haweenayda.
Ali Muse.
Axadle Editoral.
