Xafiiska Hey’adda UNHCR oo soo saartay Magacyada dad ku dhintay doon ku Quustay xeebta Yemen 2008-dii.

Hay’adda UN-ka u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa maanta ka soo saartay magaalada Boosaaso liiska 23 qofood oo sanadkii 2008-dii dooni ay la socdeen aY kula qalibmatay xeebta waddanka Yeman.

Sarkaalkan u hadlay UNHCR xafiiskooda magaalada Nairobi ayaa soo gudbiyey magacyada, waxaana uu sheegay in magacyada dadkan muddo dheer laga sugayey in ay soo gudbiyaan xafiiska UNHCR ee magaalada Sanca, balse uu ku yimid dib u dhac, waxaana xilligan ku soo beegay buu yiri kadib markii xafiisyada hay’adda UNHCR ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya la soo gaarsiiyey cabashooyin ka imaanayey ehelada dadka ku dhintay doontaasi.

Magacyadda la helay ee dadkii doontaasi ku dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa:-

Xassan Cali Faarax

Max’ed Cali Idiris

Jaamac Bile Geelle

Max’ed rashiid Diiriye Guure

Faadumo Cabdi Siciid

Quule Axmed Xassan

Siciid Zakariye

Yaxye Suleymaan Ibraahim

Cali deeq Cabdinuur Cali

Max’ed Saalim

Cumar Cabdi Cabdulle

Suuri Faarax

Qataatoow

Cabdullaahi Max’ed

Ayaanle Xassan

Cabdirisaaq Yacquub

Idiris Aw-Aadan

Aamina Yuusuf Xassan

Cabdiraxmaan Cali Qaasim (Nin madaxa looga jiray)